Kal-fadhiga 51-aad ee Baarlamanka Puntland ayaa sida qorshaysan furmi doona Talaadada todobaadkan oo ku beegan 25-ka October 2022.
Kal-fadhigan oo ka duwan kuwii hore ayaa ku soo beegmay xilli ay Puntland ka jiraan is-diidooyin siyaasadeed oo salka ku haya khilaafka ka taagan barnaamijka doorashooyinka qof iyo cod.
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa la rumaysan yahay in uu doorashooyinka qof iyo cod ku dhex qarinayo mudda kororsi xeeladaysan si uu xukunka u sii dheeraysto.
Mudda-xileedka sharciga ah ee Madaxweyne Deni waxaa hadda ka harsan mudda hal sanno iyo laba bilood ah oo ku eg 8 January 2024.
PUNTLAND POST