Doorashada Puntland: Ninna Calooshiisa Ceeriin uma qariyo

Rooble Daahir

Cilmibaare, arrimaha Dal/Nabad-dhiska

roble.dahir@gmail.com

Mid quman ayey ila noqotay doodda Madaxweynihii hore ee Puntland Md. Dr. Cabdiweli Maxamed Cali-Gaas, uu ku talinayey in doorashooyinka dadweyne (IQ, IC) ee Puntland laga fara-buuxsado, si loo hubiyo badqabka iyo asluub wanaagga doorashooyinka dadweynaha (democratic legitimate elections) ee la rajaynayey muddo badan. Wuxuu ku taliyey inaan dimuqraadiyad iyo qabyaalad isku tidcan Puntland looga baahnayn; si hanaankaan curdanka looga badbaadiyo iimmaha iyo culaysyada ay la kodhay dimuqraadiyadda Somaliland, oo ah mid qabiilada u dabran. Haddaba, Khibraddeenu waxay inoo tilmaamaysaa cidda iyo dowladda doorasho dadweyne (1Q, 1C) fulin kadha. Waana xumuumad waqti ku filan haysta ee, ma ahan mid muddo xileedkeedu sii idlaanayo. Tusaale, xukuumaddii Madaxweyne Md. Cabdiraxman Sh. Maxamed Faroole, oo culays kala kulantahay tuhun la xiriira muddo kororsi. Caqabadaha ku gadaaman dimuqraadiyadda Puntland ciidaasay ka badanyihiin waana in si istaraatiiji ah loo kurtumo jaraa si masuuliyiintu dhaxal u reebaan si ku haboon ciwaanka aynu qormadaan siinay.

Qiimeyntayda, doodaha doorashooyinka Dowlaha Hoose ee Puntland wax weyn iskuma khilaafsana. Qolo waa dowladda’e waxay ku doodaysaa inay doorashada qaban karaan; wixii kaabayaasheeda ka dhimanna deg-deg u-soo dhamaystiri doonaan. Qolada labaad, waxay ku mudacayaan in xukuumadda Md. Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni, suryo ciriiri ah doorashada ku kakabinayso si ay u xalaashato muddo kordhin iyo wax la halmaala oo, mugdi badani ku jiro. Maahan kuwo diidan in dimuqraadiyadda Puntland la dhaqaajiyo ee, dooddooda iyo walwalkooduba waa kuwo loo garaabi karo. Maxaa yeelay, Xukuumadda Md. Siciid Deni, waxay soo hormarisay waji layaab leh iyo adadayg, sida hanaankii loo maamulay Kuraastii Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ee Puntland lagu doortay, caradii uu ka qaaday natiijadii doorashadii tijaabada ahayd ee ka dhacday Degmooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl, iyo wayrixii uu kula dhacay Guddiga Kumeelgaarka ah ee Doorashada iyo Taliyihii Booliska Puntland oo, labaduba sabab weyn u ahaa asluub wanaaggii lagu subkay doorashooyinkii tijaabada ahaa.

Doorashadii tijaabada ahayd ee sedexda degmo, ururada siyaasadda, madaxda dhaqanka, talo-qabeenka iyo dadweynuhuba tuhun ma qabin wayna ka qaybqaateen si mug iyo miisaan leh, xukuumaddana waa lagu kalsoonaa waana la aaminay. Hayeeshee, tuhunka iyo walwalka danbe wuxuu ka dhashay sidii ay dowladdu u soo dhawaysay natiijadii doorashooyinka tijaabada ahaa iyo dhawaan oo Guddoomiyeyaashii Degmooyinka Boossaaso, Garoowe iyo Gaalkacyo la bedelay oo, mindhaa laga rabo degmooyinkooda oo Wanlaweyn ah, doorashooyinka soo socda.

Doodaydu waa mid sedexaad, waxaan rumaysanahay inay muhiim tahay in waxgaradka, aqoonyahanka iyo ururada siyaaasaddu doodda doorashada turxaan bixiyaan, qaadaadhigaan ciladaha hanaanka doorashada dadweynaha Puntland, duruufaha ku gadaaman, fursadaha, shuruucdeeda iyo xeer-nidaamiyeheeda oo, soo saaraan aragti hufan, dastuurka waafaqsan, caawinaysa in dimoqraadiyadda Puntland hirgasho balse, ka taxadaraysa in kooxda wayraxsani ceeriin ina lixsiiyaan. Macnaha doorasho natiijadeeda lagu murmi karo oo, kaabayaasheedii kala dhimanyihiin ama aad ugu eg tan Somaliland ee qabiilaysan ee muddo kordhinta, shirarka jaraa’id iyo digo-rogodku sunaha u noqdeen.

Waxaan rumaysanahay haddii doodda labada qolo ee aan kor ku xusay is hardiyaan ay sidii quraaraddii u jabinayaan rajada doorashooyin dadweyne, waana quus shacab iyo rajobeel caalamka diyaarka u ah inay taageeraan hanaanka dimuqraadiyadda Puntland. Si looga badbaado taas, soo ma qumana inaan is waydiino, ma doorasho ceeriin ah baynu qabannaa 2023 mise mid bisil horaanta 2024? Teebaa Dimuqraadiyadda fashilinaysa? Doorasho Allow kaa-gee ah mise mid mustaqbal oo Puntland xajin kadha rajona u abaari kadha Soomaali oo idil? Haddiiba ku darsi laga hadlayo, maxaa diidaya in doorashada hal sano oo ka fara-buuxsi ah loogu daro?

Doorasho ceeriin ah oo mustaqbalka calooshu inaku xanuunto iyo rajobeel, labadaba waa laga badbaadi karaa.

Sidaa darteed, waxaan soo jeedinayaa talooyinkaan hoose;

  1. In Guddiga Doorashada KMG la siiyo madaxbanaani buuxda.
  2. Halka sano ee ka dhiman xukuumadda Md. Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, in loo qaato diyaargarowgii ugu danbeeyey, lagu dhiso kaabayaasha lagamamaarmaanka ah ee doorashada, sida Maxkamadda Sare oo masuuliyiinteeda lagu kalsoonaan karo, Maxkamaddii Dastuuriga ahayd, dib-u-eegis lagu sameeyo shuruucda doorashada (haddii loo baahdo), wacyigalin dadweyne oo dhab ah, xuduudaha degmooyinka oo weli dowladdu qarinayso la isku waafaqo, sharci laga soo saaro sida gaarka ah (special arrangement) ee loo dooranayo degmooyinka/ Kuraasta Gobolada Waqooyiga Puntland ee qaarkood gacanta dowladda ka maqanyihiin, dib-u-eegis lagu sameeyo tirada xubnaha goleyaasha deegaanka oo ah kuwo aad u tiro badan, iyo in si dhab ah loo sugo in hanaanka doorashooyinka Puntland noqdo mid bisil, ebyan oo muranka ka dhalan kara yahay mid aad kooban oo la maareyn karo.
  3. In la mataaneeyo doorashooyinka Dowladaha Hoose iyo kuwa Golaha Wakiilada. Waa culays dhaqaale iyo mid wakhti inay Puntland hal muddo xileed gudihiis labo doorasho gasho.
  4. In doorashada Golaha Wakiilada ee 2023 lagu galo qaabkii hore ee beelaha. Xukuumadda imaanaysa horey ayey doorashooyin isku sidkan ka qaban kadhaa (Earlier elections) iyadoo fulinaysa doorasho hanaankeeda laga fara-buuxsaday sida ku xusan qodobka 2-aad ee talo soo-jeedintaan.
  5. Doorashada la qorsheeyey ee 37 Degmo la qabto markii xukuumad cusub la dhiso, bilowga 2024 si waafaqsan qodobka 3-aad iyo 4-aad ee talo soo-jeedintaan.

Puntland waligeed waa jiraysaa inta koonku jiro, waxaynuna u baahannahay hanaan doorasho oo waligiis xajin kara culayska siyaasadeed ee Puntland, wadajirka dadkeeda iyo maareynta muranada ka dhasha siyaasadda iyo doorashooyinka. Hadiise la fuliyo doorashooyin aan laga fara-buuxsan, ceeriin ah oo qolo un magac ku doonayso, waxaa suuragal ah in qaloocaas ay dimuqraadiyadda Puntland la kodho ayna caloosha ka jiranaato inta ay nooshahayba.

Shuushow bax, diyaargarow iyo ka fara-buuxsi.

Rooble Daahir

Cilmibaare, arrimaha Dal/Nabad-dhiska

Email: roble.dahir@gmail.com