Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa war kooban ka soo saaray dagaalka culus ee weli ka socda degaanka Yasooman ee Gobolka Hiiraan.
Af-hayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan Liibaan Cabdi Cumar oo si kooban uga hadlay dagaalkaas ayaa sheegay in Al-shabaabka soo weeraray Yasooman ay iska soo abaabuleeen tuulooyin hoosyimaada degmada Aadan Yabaale ee Gobolka Shabeelada dhexe.
Af-hayeenka ayaa sheegay in dagaalka jab xooggan lagu gaarsiiyay kooxda Al-shabaab ee iska soo abaabulay Tuulooyinka Aadan-yabaal balse faahfaahin kale ma bixin.
“Argagixisada Al-shabaab ayaa Jab Xoogan lagu gaarsiiyey Deegaanka Yasooman Al-shabaab oo iska soo abaabulay Tuulooyinka Aadan-yabaal ayaa si Dhuumaaleeysi ah ku soo weerartay Deegaanka Yasooman oo hoostaga Degmadda buulo-burde Ee Gobalka Hiiraan ayaa la kulmay halaag xoogan” ayuu yiri Af-hayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan.
Dhinaca kale Al-shabaab waxay saaka sheegtay in ay la wareegtay degaanka Yasooman kadib markii ay weerar ku qaadday saldhiga ciidamada dowladda iyo kuwa macawisleey ku leeyihiin degaankaas.
PUNTLAND POST