
Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday Soomaalida Qurba-joogta ah in ay ku soo biiraan dagaalka lagu cirib-tirayo kooxda Al-shabaab.
Wasiirka duulista Hawada dowladda Soomaaliya marwo Fardowso Cismaan Cigaal ayaa ku boorrisay Qurba-joogta Soomaaliyeed in ay dowladda ku gacan-siiyaan dagaalka ku jihaysan Al-shabaab.
“Waa inaad ka qayb qaadataan halganka degdega ah ee socda ee dalka looga xoreynayo kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab” ayay tiri marwo Fardowsa Cismaan.
Wasiirka safar ku joogta waddana Canada ayaa hadalkan ka jeedisay kulan ay la qaadatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.
PUNTLAND POST