Qarax khasaara dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Laascaanood

Ugu yaraan hal askari oo ka tirsan Bookiiska Somaliland ayaa ku dhintay tiro kalena waa ku dhaawacmeen qarax xalay ka dhacay magaalada Laascaanood.

Goob-joogayaal ayaa ku warramay in qaraxa oo bomba gacmeed ahaa  lagu weeraray meherad ay fadhiyeen askar ka tirsan Booliiska Somaliland.

Dhaawaca askarta ayaa loola cararay isbitaalka weyn ee Laascaanood halkaas oo sida wararku sheegayaan lagu dabiibayo xaaladooda caafimaad.

Askariga dhintay oo markii hore dhaawac ahaan loogu qaaday dhinaca Hargeysa ayaa ku geeriyooday isbitaalka magaalada Burco.

PUNTLAND POST