Puntland oo ka hortimid tallaabo ay qaadday dowladda Federaalka Soomaaliya

Puntland ayaa ka soo horjeesatay go’aankii ka soo baxay Wasaaradda Kalluumeysiga DFS, kaa oo ahaa in sharci-darro loo aqoonsanayo Kalluumaysi aan shati ka haysan Wasaaradda Kalluumaysiga Soomaaliya.

“Haddii aan la xurmeynin Qodobada Dastuuriga ah ee dalka, sida tooska u faraya xaquuqaha DFS iyo Dawlad gobaleedyada, in ay ka wada xaajoodaan Kheyraadka dabiiciga ah, waxay halis ku noqonaysaa daganaanshaha Amni ee dalka, taas oo horseedi doonta Xasilooni darro siyaasadeed” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Puntlanf.

Puntland ayaa sidoo kale ka hortimid Is afgaradyo ay gaareen Dawladda Faderaalka iyo dalalka Shisheeye oo ku jihaysan arrimaha Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda.

PUNTLAND POST