Madaxweyne Siciid Deni oo ka hor-tagaya tallaaba ka soo wajahan Baarlamanka

Madaxweyne Siciid Deni ayaa lagu wadaa in uu Isniinta ka hor isku shaandhayn kooban ku sameeyo qaar kamid ah Golaha Wasiirada Puntland.

Wararku waxay sheegayaan in isku shaan-dhayntan ay saamayn doonto wasiirada ugu muhiimsan Xukuumadda qaarkood si looga hortago in Baarlamanku kalsoonida kala noqdaan wasiiradaas.

Madaxweynaha ayaa doonaya in uu isku bed-beddelo wasiirada qaarkood si uu meesha uga saaro tallaabada ka soo wajahan Baarlamanka.

Dhinaca kale waxa lagu wadaa in uu magacaabo agaasinka madaxtooyada iyo qaar kamid ah agaasima-waaxeedyada madaxtooyada.

PUNTLAND POST