Puntland: waxaa jira jid sadexaad

‏Puntland, laba daran mid dooro ma taalo ee waxaa jira jid saddexaad oo saldhig looga dhigi karo qiyam siyaasadeed oo dawladnimadu ku weyntahay, dadkuna mudnaanta kowaad leeyihiin. Taasna waxa ay u baahantahay siyaasad iyo siyaasiyiin ka fog jidka dhiigmiiratada iyo musuqmaasuqa. Siyaasad aan colaad horseed u ahayn, qori la dugsanaayona aan ku dhisnayn.

Jidka saddexaad waxa uu xambaarsanyahay fikradda dawladnimada, mudnaansiinta tabashada bulshada iyo aragti siyaasadeed oo daacad ah, una luga xirnayn qabiil ama qori qiiq ka baxaayo.

Dariiqa saddexaad waxa uu u baahanyahay in la helo isbahaysi u midooba iska caabinta laba shar oo masraxa siyaasadda iyo xasilloonida bulshada shido weyn ku haya mustaqbalka dhow iyo midka fogba, kuwaas oo kala ah: musuqmaasuqa dawladaysan iyo qoriga xanbaarsan aragtida siyaasadeed.

Labaduba waa shar cad oo kharibaaya saaxadda siyaasadda, waana jug weyn oo dib u celindoonta dadaal kasta oo inta Puntland jecel ugu jiraan xisiloonida bulshada iyo dawladnimo hana qaada.

Madaxda Puntland hadda joogta waxaa u haray waqti yar, waxaase ka sii yar waqtiga u haray inta aan jeclayn in Puntland 2024 laga taago calan aan la mahdin oo xanbaarsan welwel iyo hubanti la’aan. Markasta waxaa jira jid sadexaad … Waana jidka isbedelka!

WQ: Xildhibaan Cabdullaahi Faarax Mire