Madaxa hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in ay xanuun gaar ah ku hayso xaaladda ka taagan Gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.
“Waxaan halkaas ku leeyahay qaraabo badan, waxaan rabaa inaan lacag u diro, laakiin lacag uma diri karo, way gaajoonayaan, waan ogahay ma caawin karo,” ayuu yiri Tedros oo warbaahinta la hadlay.
Tedros Adhanom oo ka soo jeeda GobolkaTigray ayaa si adag dhalleeceeyay wuxuu ugu yeeray “arxandarrada aan la qiyaasi karin” ee lagu hayo dadka deggan Gobolkaas oo uu sheegay in mudda laba sano ah laga jaray adeegyadii as’aasiga ahaa.
Tedros waxa uu tilmaamay in xitaa intii lagu jiray xabbad-joojinta, Gobolka Tigray uu ahaa mid go’doonsan oo ay yaraatay helitaan cunto iyo dawooyin, wuxuuna ku celceliyay baaqiisa ah in dib loo bilaabo adeegyada muhiimka ah.
PUNTLAND POST