Wasiir Fiqi oo ka hadlay dagaallada ka socda Gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa bogaadiyay dagaalka ciidamada xoogga dalka iyo dadka Gobolka Hiiraan oo is abaabulay ay kula jiraan Al-Shabaab.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in ay ciidanka iyo shacabka oo iskaashanaya ay qaadeen tallaabo geesinimo leh oo Al-shabaab lagaga saaro degaannada ay kaga sugan yihiin Gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

“ Waxaan rabaa inaan u hambalyeeyo dadka reer Hiiraan runtii waxay sameeyeen geesinimo waliba shacabka iyo Beelaha dega Maxaas Matabaan iyo Beledweyne waxay muujiyeen geesinimo xilligaas adag” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in sida ugu dhakhsaha gargaar banii’aadanimo loo gaarsiin doono degaannada ka tirsan Gobolka Hiiraan ee laga saaray Al-shabaab.

PUNTLAND POST