
Taliska qaybta gobolka Mudug ayaa Maamulka Dowlada hoose ee degmada Gaalkacyo kala wareegay agab ka kooban Mashiin sheega qofka cabsan iyo katiinada lagu xiro dambiilaha.
Saraakiisha qaybta gobolka Mudug ayaa sidoo kale ka qayb galay shirka amniga gobolka kaas oo uu shir gudoominayay Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali ahna Gudoomiyaha Gudiga Amniga heer Gobol.
Waxaa qayb ka ahaa shirkan Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug, Duqa Degmada Gaalkacyo, Saraakiisha Saldhigyada iyo Laamaha Amniga iyo Gudoomiyayaasha Xaafadaha Magaalada Gaalkacyo.
Shirkan oo mudo socday ayaa laga soo saaray qodobo wax-tar uleh Amniga iyo la dagaalanka Argagixisada.
PUNTLAND POST