
Maxkamadda derejada kowaad ee degmada Garoowe ayaa lagu wadaa in ay saaka mar kale u fariisato dhegeysiga dacwadda kiiska geed-quwaaxa.
Maxbuus Liibaan Cali Food iyo dad kala duwan oo ay ku jiraan mas’uuliyiin dowladeed ayaa ku eedaysan kiiska dhoofinta geed-quwaaxa.
Dad xasaanad leh oo ay ku jiraan xildhibaanno islamarkaana ku eedaysan kiiskan ayaa sida wararku sheegayaan aan weli la hor-keenin maxkamadda.
Dadweynaha ayaa isha ku haya dhegeysiga dacwaddan oo marar kala duwan dib u dhac ku yimid.
PUNTLAND POST