Booliiska Gobolka Karkaar oo burburiyay hogo dhuxul laga shidayay

Ciidamada booliska Gobolka Karkaar ayaa sameeyay hawl-galo lagu burburinayo hogo dhuxul laga shidayay miyiga degmada Qardho.

Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay sidoo kale agabkii ay dhuxulaysatadu isticmaalaysay, waxaana ay sheegeen in la garanayo oo lagu raadjoogo soo qabashadooda.

Booliiska Karkaar ayaa maalmihii u danbeeyay waday hawlgallo lagu burburinayo goobaha dhuxusha laga shido ee ku yaalla degaannada miyiga ah.

PUNTLAND POST