Puntland oo ku celisay in dhaqaale loo waayay sixidda Imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiyada sare

Imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland, gaar ahaan dugsiyada sare ayaa weli dhaqaale la’aan loo sixi la’ yahay, sida uu ku celiyay wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Maxamed Xasan.

Dhammaan hay’adihii dhaqaalaha ku bixin jiray Imtixaanka ayaa isaga baxay, halka wasaaradda Maaliyadda Puntland laga la’ yahay karashkii ka imaan jiray dhinaca dowladda.

Dhaqaalaha lagu bixiyo Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland ayaa ka imaan jiray waalidiinta, dowladda iyo hay’adaha dhinaca Waxbarashada ka taageera Puntland.

Lacagta waalidiintu bixiyaan oo keliya kuma filna dhammaystirka Imtixaanaadka, maadaama uu meesha ka maqan yahay dhaqaalihii ka imaan jiray dowladda iyo hay’adaha.

PUNTLAND POST