Maxkamadda ciidamada Puntland oo dil ku xukuntay rag ku eedaysan falal argagixiso

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland, ayaa dil toogasho ah ku xukuntay laba nin oo ku eedaysan falal argagixiso.

Cabdikhaaliq Warsame Barre iyo Xasan Muuse Axmed ayaa lagu xukumay dil toogasho ah, kadib markii sida maxkamaddu sheegtay lagu helay Al-shabaannimo.

Sidoo kale, waxaa lagu helay in ay fuliyeen falal argagixiso oo ay ku jiraan dilal qorshaysan oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Maxkamadda ayaa dhegaysatay gal-dacwadeedka xeer ilaalinta ka diyaarisay kiiskan iyo difaaca qareennada u doodaya labada eedaysane, ka hor inta aysan ku dhawaaqin xukunka.

PUNTLAND POST