Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo shir-gudoomiyay kulan ku saabsan ka hortagga Macaluusha

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shir heer Wasiiro ah oo ku saabsan ka hortagga Nafaqa darrada.

Kulanka oo Lixdii biloodba mar la qabto ayaa looga hadlay, udiyaar garowga iyo ka hortaga macaluusha ay keeni karto Abbaaraha daba dheeraaday, dibu eegista shaqooyinkii qabsoomay sanadihii lasoo dhaafay iyo sidii Mashruuca loo daadajin lahaa.

PUNTLAND POST