
Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) ayaa caddeeyay in ururrada argagixisada ah ay ka soo farcameen kooxdii Itixaad ee lagu jebiyay Puntland.
Gen. Siciid Dheere, ayaa sheegay in kadib markii la jebiyay kooxdaay ay u kala baxeen qaar bulshada ku dhex milmay, iyo qaar argagixiso ah oo weli dhibaato ku haya amniga dalka.
Wareysi uu bixiyay ayuu sidoo kale ku sheegay in Itixaad ay go’aansadeen in ay qabsadaan dhaqaalaha iyo waxbarashada, kana mid noqdaan hoggaanka dhaqanka, si ay ula wareegaan maamulka oo dhan.
“ Itixaad waxay go’aansadeen in ay qabsadaan dhaqaalaha, waxbarashada, iyo hogaanka Dhaqanka si ula wareegaan maamulka oo dhan” ayuu yiri Siciid Dheere.
Gen. Siciid ayaa sidoo kale soo noqday Taliyaha ciidanka difaaca dowladda Puntland waxaana xilkaas uu ka tegay 28 October 2018.
PUNTLAND POST