Baarlamanka Puntland oo maanta la xisaabtamaya madaxda wasaaradda Caddaaladda

Xildhibaannada Baarlamanka Puntland oo weli ku jira la-xisaabtanka xukuumadda ayaa saaka u yeeray wasaaradda Caddaaladda Puntland.

Mas’uuliyiinta u sarraysa wasaaradda Caddaaladda ayaa laga sugaya in ay hor yimaadan Baarlamanka si loola xisaabtamo.

Madaxda wasaaradda ayaa xildhibaannada u jeedin doona warbixin ku saabsan shaqada ay u xil-saarantahay wasaaradda iyo wixii u qabsoomay.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale madaxda wasaaradda Caddaaladda su’aalo ka weydiin doona mas’uuliyadda ay u hayaan umadda Puntland.

PUNTLAND POST