Shatiyada bangiyada shisheeye la siiyay lagama fiirsan

Cali S. Aweys

Muqdisho (Faallo) — Dowladda Federaalka Soomaaliyeed waxay shati siisay laba bangi oo laga kala leeyahay Masar (Banque Misr) iyo Turkiga (Ziraat Katilim). Furfurista suuqyada bangiyada waa tallaabo suurtowda inay waxtar yeelato haddii dalku yahay mid aan kala qoqobnayn. Soomaaliya waa dal dowladdiisu aysan ka wada talinin dalka; ma laha siyaasad dhaqaale; lacago kala duwan ayaa la isticmaalaa; doollarku wuxuu galay kaalintii Shilin Soomaaliga waayo Dowladda Federaalka Soomaaliyeed kuma dhiirran inay daabacdo Shilin Soomaali sababo siyaasadeed awgood.

Masar waxay Soomaaliya ku lahayd Banque de Port Said. Dhinac marka laga eego waa fikrad wanaagsan in bangiyo waaweyn oo dalal aan burburin ka soo jeeda ay faracyo ku yeeshaan Soomaaliya. Hadda lacagta macmiisha oo hab elektaroonik u badan waxaa maamula shirkado gaar ah sida Hormuud iyo Golis.

Shirkadahani kuma tiirsana dowlad ka caawin karta inay macaamiisha u celiyaan lacagahooda haddii cillad farsamo oo ba’ni soo foodsaarto habka lacagaha la iskugu tuuro (diro). Dhinaca kale, bangiyada shisheeye waxay suuqa ka saari karaan bangiyada Soomaalidu leedahay oo kaalin weyn ku leh tartiib uga soo kabashada dagaalka sokeeye.

Joseph Stiglitz, oo dhaqaaleyahan Maraykan ah ku guuleystay abaalmarinta Nobel, wuxuu buggiisa Globalization and its discontents ku qoray in Ra’iisal Wasaarihii hore Itoobiya Meles Zenawi uu ku gacan-sayray cadaadis dowladda Maraykanku ku saaraysay in Itoobiya ay suuqeeda u furto bangiyada Maraykanka. Stiglitz oo xilligaas madax u ahaa golaha dhaqaalaha ee maamulkii Bill Clinton, ayaa ku bogaadiyay Meles go’aan ka badbaadiyay bangiyada Itoobiya inay la tartamaan bangiyo aad uga awood-badan oo suuqa kaga dheereyn lahaa.

Haddii Itoobiya oo aan burburin ay sidaas iskaga dhowrtay inay shatiyo siiso bangiyo shisheeye maxaa Soomaaliya u diiday inay ka dooddo in suuqeennu u furmo bangiyo shisheeye?.

Dowladda Federaalku way ku degdegtay go’aanka ay shatiyo bangi ku siisay Banque Misr iyo Ziraat Katilim.

Go’aanka Bangiga Dhexe ku shaaciyay shatiyada la siiyay labada bangi.

Cali S. Aweys waa dhaqaaleyahan ka soo shaqeeyay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya