
Xildhibaannada Baarlamanka Puntland, ayaa diiday ansixinta mas’uuliyiinta magacaaban ee maxkamadda sare ee Puntland.
Fadhiga waxaa soo xaadiray 43 mudane, waxaana shir-guddoominayay guddoomiyaha Baarlamanka, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo uu weheliyo ku xigeenkiisa kowaad Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan.
23 Xildhibaan ayaa u codaysay ansixinta garsoorayaasha maxkamadda, waxaa diiday11 mudane, halka ay ka aamuseen 9 xubnood
Codaynta ka hor, kulanka waxaa laga akhriyay codsi ka yimid madaxweyne, Siciid Deni oo xildhibaannada ka dalbanaya in ay ansixiyaan maxkamadda.
PUNTLAND POST