Qaramada Midoobay oo war ka soo saartay abaaraha Soomaaliya ka jira

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan bini’aadantinimada ayaa sheegtay Jimcihii in ay raadinayso 993.3 milyan oo doolarka Maraykanka ah si ay u bixiso gargaar naf-badbaadin ah si looga hortago abaaraha soo food saaray Soomaaliya.

Xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay (OCHA) ayaa sheegay in saameynta abaarta iyo cadaadiska dhaqaale ee dalka ka jira ay sii kordhinayaan in  dadbadan ay u nafwayaan macaluul.

Bayaan ka soo baxay OCHA ayaa lagu sheegay “Dadka gaaraya 7.7 milyan oo qof  ayaa ​​u baahan gargaar bini’aadannimo, kuwaas oo 7 milyan oo ka mid ah la sheegay inay abaartu ay saamaysay,”.

Hey’adda UN OCHA, ayaa sheegtay in ay ku hawlantahay waxqabadkeedii ugu dambeeyay ee abaaraha iyo ka hortagga macluusha.

PUNTLAND POST