Shir ku saabsan cagaarinta caasimadda oo Garoowe lagu qabtay

Shir ku saabsan dardar-gelinta barnaamijka cagaarinta caasimaddda ayaa lagu qabtay magaalada Garoowe.

Mas’uuliyiinta dowladda hoose iyo dhammaan guddoomiyaasha xaafadaha Garoowe ayaa ka shiray dardar-gelinta barnaamijkaas.

Shirka ayaa lagu soo bandhigay wacyi-gelin la xiriirta dhiraynta magaalada iyo ilaalinta dhirtii horay loo beeray.

Mas’uuliyiinta ayaa shacabka ku dhaqan Garoowe ugu baaqay in laga qayb-qaato dhiraynta iyo cagaarinta caasimadda.

PUNTLAND POST