Warqad dacwad ah oo loo gudbiyay Baarlamanka Puntland

Mudanayaasha Baarlamanka Puntland ayaa loo gudbiyay dacwad ka dhan ah Wasaaradda Duulista Hawada Puntland iyo shirkad gaar loo leeyahay.

Warqadda la gaarsiiyay Baarlamanka ayaa lagu sheegay in Wasaaradda iyo shirkadda gaarka loo leeyahay ay doonayaan in ay burburiyaan hanti shacab si ay halkaas u geliyaan Nidaamka GPS-ka

Dowladda Hoose ee Garoowe ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay ku raacsantahay tallaabada ay wadaan Wasaaradda Duulista Hawada Puntland iyo shirkadda gaarka loo leeyahay.

Baarlamanka Puntland ee dacwadda la gaarsiiyay ayaa lagu boorriyay in ay wax ka qabtaan arrantan.

PUNTLAND POST