Cabsi la soo daristay dadka uga shaqeeya Laascaanood maamulka Somaliland

Tan iyo Oktoobar 2007kii Laascaanood waxaa ka qabqablaynayay maleeshiyo beeleed maamulka Somaliland uu ku tiirsan yahay.

Laascaanood (Wararka PP) — Dilalka qorsheysan oo lagu beegsansayo dadka u shaqeeya maamulka Somaliland kuna sugan Laascaanood ayaa soo kordhay. Ilaa bishii Janaayo waxaa la dilay 9 qof oo mid ka mid ahi ka tirsanaa ciidan beeleedka magaalada laga qortay oo lala dilay afadiisii. Dhowaan waxaa markii labaad si dirqi ah isku day dil kaga badbaaday Cabdicasiis Xuseen Taarwale, tan oo dad badani u fasirteen in xoogagga beegsanaya dadka loo yaqaan “hor galayaasha” aysan kala jeclayn kan weli maamulka Somaliland u shaqeeya iyo kii u shaqeyn jiray.

Wariyaha Puntland Post ee Laascaanood ayaa la kulmay mid ka mid ah isu duwayaasha hay’adaha adeegga bulshada. Fiigsanaan badan ayaa wajigiisa ka muuqatay. “Liiska dadka la dilayo ayay igu dareen. Waa sababta aan qori u sito. Qof i ilaaliya ma haysto” ayuu yiri isaga oo aan sheegin dadka naftiisa halista ku ah.

Xubnaha golaha degaanka qaarkood may soo dhaafaan xafiiska degmada, qaarkood inay shaqada iska casilaan ayay ka fekerayaan dilalka qorsheysan oo ay fuliyaan kooxo aan la aqoon ururka ay tirsan yihiin awgood.

Maamulka Somaliland wuxuu aad ugu tiirsan yahay maleeshiyada Caagle Sare Mahad Cambaashe oo kooxdiisu magaalada ka saartay koox beeleedkii Axmed Cabdi Xaabsade magaalada kaga barikiciyay taageerayaashii Marxuum Xasan Daahir Afqudhac bishii Oktoobar 2007kii.

“Maamulka Somaliland awood uma laha inuu ku qanciyo Ina Cambaashe in ciidan isku dhaf ah la sameeyo waayo muu doonayo in awoodda qabqablenimada lala wadaago. Taasi macnaheedu waa Hargeysa waxay dooratay inay qabqable la hayste Laascaanood ugu ahaato meeshii ay ka maalgelin lahayd qabqableyaal kala beelo ah” ayuu yiri siyaasi reer Sool oo ah oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland.

Sanadkii 2013kii ayuu Saleebaan Cali Koore ku eedeeyay maamulka Somaliland dilalka maleeshiyada Mahad Cambaashe ka geystaan magaalada, isaga oo soo gudbiyay tirada dadka lagu dilay Laascaanood 2007-2013.

Qorshe is ilaalin dariseed

Sheekh Xaliike oo ka mid ah culamada Laascaanood ayaa ugu baaqay dadka magaalada inay qorshe dariseyn sameeyaan si dadku nabad ugu soo hoyan karaan. Hadalka Sheekh Xaliike waxaa loo qaatay baaq uu dadka ugu xilsaarayo ilaalinta kuwa u shaqeeya maamulka Somaliland oo kooxo aan la gadhanayn beegsanayaan. Awood lacageed maamulka Somaliland uma hayo inuu ilaaliyeyaal u sameeyo qof kasta oo mushaar uga qaata inuu ka shaqeeyo Laascaanood.

“Marka ay istiilayaan kooxda Mahad Cambaashe waxay ku doodaan in dilal aysan ka dhicin qeybta ay magaalada kaga nool yihiin. Taasi jawaab uma aha su’aasha ‘yaa dilay taliyihii nabadsugidda? Yaa dilay guddoomiyihii guddiga doorashooyinka gobolka?’” ayuu yiri xubin hore oo golaha degaanka Laascaanood ka tirsanaa oo dad badan ka codsaday in laga cafiyo “gefka inuu la soo shaqeeyay qabqable ku go’doonsan qeyb Laascaanood ka mid ah”.

© Puntland Post, 2022