Madaxweyne Deni oo sheegay in aan waxba laga weydiin magacaabidda Ra’iisul wasaaraha cusub

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa markii u horraysay maanta ka hadlay Ra’yigiisa ku aaddan magacaabidda Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa caddeeyay in aysan jirin wax wada-tashi ah oo laga la yeeshay magacaabidda Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre isago walaac ka muujiyay arrintaas.

Siciid Deni ayaa sidoo kale cabasho ka muujiyay sida uu u dhaqmay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud markii uu magacaabayay Ra’iisul wasaaraha.

Hadalkaas ayuu ka sheegay kulankii uu maanta la yeeshay xildhibaannada Baarlamanka Puntland inkastoo uusan durba si toos ah u mucaaradin Villa Somalia.

PUNTLAND POST