Muxuu wadaad-siyaasigu musuqmaasuq ugu yahay caan?

Maxamuud S. Hire

Wadaad-siyaasi waranle ah ayaa maanta Soomaaliya ka calanwallaynaya

Soomaaliya siyaasaddeeda marka aad eegto waxa gacanta ku haya siyaasiyiin markii hore ka tirsanaa ururro dhaqdhaqaar diimeed waday (saxwada). Hadda waxa keliya oo laga hadlo waa kooxda Al-shabaab oo dhibka ay geysato la wada og yahay. Waxa aan la ogeyn dhibta ay geystaan wadaaddada siyaasadda soo galay tan iyo 2009kii.

Wadaaddada siyaasiyiinta ahi waxay markii hore aamminsanayeen in qori lagu meelmarin karo mabaadii’da ay aamminsanaayeen. Kaddib markii ay arkeen in barnaamijkooda siyaasadeed uusan u cuntamynin Soomaalida badankeed waxay go’aansadeen inay gacanta ku dhigaan mishiinka dowladnimada, iyagoo qaarkood qabsaday (laga caawiyay inay qabsadaan) dowladda dhexe, qaarna maamul federaaleedyada. Madaxda qaarkood dhowr iyo toban sano ka hor waxay u yaqaanneen dowladdii ku meelgaarka dowlad riddo ah oo qofka ka tirsan in dhiiggiisa la daadiyo ay bannaan tahay.

Waxaa soo ifbaxay ifafaaale naxdin leh oo wadaaddada siyaasiyiinta ahi ay dadka kaga fogeynayaan diinta waayo dadka dhibtu ka soo gaarto boobka hantida uu wadaad-siyaasigu ku kaco waxaa suurtowda inay kala saari kari waayaan wadaad-siyaasiga iyo diinta. Quraanka Kariimka wuxuu ka hadlay kuwa dadka wanaagga faraya ama fari jiray laakiin illoobay naftooda, kuna kacaya waxa ay dadka ka wacdinayeen.

Wadaad-siyaasigu wuxuu caan ku yahay lunsashada hantida dadka, u eexashada dadka ku taageersan siyaasaddiisa, la dagaallanka isla xisaabtanka. Dadka dhibbanayaasha u ah siyaasadda wadaad-siyaasiga qaarkood waxay eedda saaraan, iyagoo moodaya in diintu tahay waxa keenay dhibta. Wadaadkii muddo dheer ka hor ku ololeyn jiray la dagaallaanka calmaaniyeynta wuxuu hadda u guntaday fidneynta dadka waayo awood siyaasaeed iyo awood diimeed oo isku qoofalan ayaa gacanta ugu jirta.

Heerka Soomaaliya maanta marayso marka la eego waxaa muuqata in dalku gacanta ugu jiro qowlaysato heshiis ku ah lunsiga hantida dad weynaha, iyo ku tartanka in guryo laga dhisto dalal shisheeye dadka oo la kufaakacaya shaqo la’aan, daryeel caafimaad la’aan iyo dhibaatooyin kale oo hoggaamin xumo iyo lunsasho ku mamid ay keeneen.

Aayaha Soomaaliya waxaa mugdi sii galiyay isbahaysiga isdhex gashaday diin, ganacsi iyo siyaasad, kuna kallifay dhallinyarada Soomaaliyeed inay dalkooda ka haajiraan.

Dhallinyaradu waa 75%, hase ahaatee may laha wax awood ah waayo dowladaha taageeraya hab siyaasadeedka Soomaaliya way og yihiin in soo kabashada dal ay adkaato marka dhallinyarada lagala dagaallamo fursadaha nololeed. Waa sababta ay u taageerayaan wadaad-siyaasiga diin u dagaallanka ka maarmay. Wadaad-siyaasi waranle ah baa maanta Soomaaliya ka calanwallaynaya. Guri ba’ay!