Al-shabaab oo sheegtay in aysan marna wax wada-xaajood ah la geli doonin dowladda Soomaaliya

Ururka Al-shabaab ayaa sheegay in aysan marnaba wax wada-xaajood ah la geli doonin dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hoggaamiye ku xigeenka ururka Al-shabaab Cabdiraxmaan Maxamed Warsame oo loo yaqaan Mahad Karate ayaa hadalkaas ka sheegay wareysi uu siiyay warbaahinta Channel 4 ee laga leeyahay dalka UK.

“Anagga sideedaba nimankan dowlad kama aaminsanin. Cumuumana cid kasta oo ay shareecada ilaaheey noo diiday inaan la hadalno, la hadli mayno” ayuu yiri Karate.

Mahad Karate ayaa sidoo kale sheegay in Al-shabaab qorshaynayso in ay la wareegto xukunka dalka Soomaaliya.

Dhowaan ayaa Madaxweynaha Soomaaliya sheegay in uu wada-hadal la geli doono Al-shabaab kadib markii awoodooda la waqiiqo.

PUNTLAND POST