Xildhibaan Gaarisa qarax lagula eegtay

Waxaa qarax lagu eegtay degmada Gaarisa gobolka Waqooyi Bari Kenya Xildhibaan lagu magacaabo Ibraahim Cabaas oo ka tirsan baarlamaanka Ijara, 4 askari ayaa ku dhaawacmay qaraxa.

Qaraxa waxaa ka bad baaday Xildhibaanka, waxaase ku dhaawacmay darawalkii gaariga u wada iyo 4 askari oo ilaaladiisa ka tirsanaa, qaruxu wuxuu ahaa miino dhulka lagu aasay.

“Darawalka iyo askar kale ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo halis ah,” ayay booliisku ku sheegeen warbixin ay weerarkan kasoo saareen.

Qaraxan oo noqonaya kii labaad oo maalmo gudahood ka dhacay Gaarisa, waxay Booliisku ku eedeeyeen Al-shabaab inay ka dambeeyeen.

PUNTLAND POST.