3 ruux oo ku dhintay shil gaari oo ka dhacay Burco

3 ruux ayaa ku dhintay 7 qof oo kalena waa ku dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay xalay xilli dambe deegaanka Qayta oo u dhow magaalada Burco.

Gaariga rogmaday ayaa noociisu ahaa nooca Soomaalidu u taqaan Caasi ama Homey.

Ciidamada ilaalada wadooyinka Somaliland ayaa gaaray goobta shilka uu ka dhacay iyo dadweyne kale.

Shilalka gawaarida ayaa soo noq noqday deegaanada Somaliland.

PUNTLAND POST