Real Madriid oo qaaday Horyaalka Yurub ee 2022

Kooxda Real Madriid ayaa markii afar iyo tobnaad (14) ku guuleysatay koobka kooxaha Yurub ee UEFA Champions Leugue, kaddib markii ay 1-0 uga adkaatay kooxda Liverpool ciyaartii kama dambeysta (final-ka) oo caawa ka dhacday magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

Real Madriid waxaa guusha u horseeday Vinicius Junior oo daqiiqadii 59-aad ee qeybtii dambe ciyaarta goolka u dhaliyey.

Kooxda tartankan looga guuleystay ee Liverpool ayaa dad badani u saadaalinayeen in ay ku guuleystan karto tartanka, hase ahaatee taasi ma dhicin.

Kooxda reer Spain ee Real Madrid oo ah kooxda ugu guuleysiga badan tartankan ayaa qaaday 1956, 1957, 1958,1959,1960, 1966, 1998, 2000, 2002, 2014, 2016, 2017, 2018 iyo 2022.

Liverpool waa kooxda saddexaad oo ugu guuleysiga badan tartankan waxayna hanatay 6 jeer, waxaa ka horreysa kooxda AC Milan oo qaaday 7 jeer.

PUNTLAND POST