Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa mudda kordhin u sameeyay Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM.
Qaraar ka soo baxay Golaha Ammaanka ayaa lagu go’aamiyay in mudda shan bilood ah lagu kordhiyo Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.
Qaraarkaas oo tirsigiisu yahay 2632 ayaa waxa si wadajir ah u ansixiyay dhammaan 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka.
Waaajibaadka UNSOM oo markii hore ku ekaa dhammaadka bishan May ayaa hadda ku eg dhammaadka bisha October ee sannadkan.
PUNTLAND POST