Wararkii u danbeeyay hawlgal kumaandooska Gorgor ka fuliyeen Shabeellada hoose

Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa hawlgal qorshaysan oo Kumaandooska Gorgor ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ka fuliyeen Gobolka Shabeellada hoose.

Hawlgalka oo ka dhacay tuulooyinka Tawakal iyo Balow oo ka tirsan degmada Awdheegle ee Gobolkaas ayaa lagu burburiyay saldhigyo Al-shabaab ku la hayd halkaas sida laga soo xigtay saraakiisha Gorgor.

Wararku waxay sheegayaan in sidoo kale Ciidamadu tuulada Tawakal ku gubeen doon nooca dheeriya ah oo Al-shabaab isticmaali jireen.

Sarkaal u hadlay Gorgor ayaa sheegay in doonta la gubay ay Al-shabaab ku raran jireen lacagaha ay shacabka ka qaadan.

PUNTLAND POST