Maraykanka oo ka warbixiyay wada-hadalkii Antony Blinken iyo Xasan Shiikh Maxamuud

Dowladda Maraykanka ayaa ka warbixisay wada-hadal khadka isgaarsiinta ku dhexmaray xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka, Antony Blinken iyo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud.

Af-hayeenka waaxda arrimaha dibadda Maraykanka Ned Price ayaa sheegay in labada mas’uul ka wada-hadleen arrima ay kamid yihiin; dib u heshiisiinta Soomaaliya, dhismaha ciidamo amni oo la wareegi kara mas’uuliyadda qaran iyo hannaanka deyn-cafinta dalka.

“Waxa ay ka wadahadleen muhiimadda ay leedahay dib u heshiisiin siyaasadeed, horumarinta ciidamo amni oo la wareegi kara mas’uuliyadda howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ee ATMIS, iyo dib u habeynta dhaqaalaha, ee lagama maarmaanka u ah dhameystirka waddada deyn cafinta ee Soomaaliya” ayuu yiri af-hayeenka.

“Isagoo [xoghaye Blinken] xusaya go’aankii dhawaan Madaxweyne Biden uu ku sheegay in si joogto ah Soomaaliya dib loogu celiyo ciidamada Maraykanka, xoghayuhu wuxuu u gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya taageerada joogtada ah ee Maraykanka ee dadaalka ay dowladda Soomaaliya iyo ururka Midowga Afrika ugu jiraan la dagaalanka khatarta kooxaha argagixisada ah” ayuu sii raaciyay.

PUNTLAND POST