Xildhibaan sheegay in uu socdo abaabul xilka looga qaadayo Madaxweyne Lafta Gareen

Xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan Aaden oo ka tirsan Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in uu Muqdisho ka socdo abaabul xilka looga qaadayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen.

Xildhibaan Mahad oo warbaahinta kula hadlay magaalada Baydhaba ayaa ku baaqay in loo midoobo difaaca hoggaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed si aan loo burburin Nidaamka dhisan.

Gen. Mahad Cabdiraxmaan oo horay u soo noqday Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa ku hanjabay in ay la dagaallami doonaan cid kasta oo isku dayda in ay riddo Madaxweyne Lafta Gareen.

Sidoo kale wuxu tilmaamay in abaabulka socda ay wadaan dad ka yimid dalka dibaddiisa oo aan ogayn dhibka laga soo maray dhismaha Maamulka Koonfur Galbeed.

PUNTLAND POST