Maxaa ka run ah in xiisad ka jirto garoonka diyaaradaha Boosaaso?

Warar lagu kalsoonyahay ayaa xaqiijinaya in aysan jirin ciidan isku hor-fadhiya garoonka diyaaradaha Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Ciidanka ka tirsan PSF oo wata laba gaari ayaa tegay halka lagu magacaabo MAASHA ALLAH oo ku taalla afaafka laga galo garoonka diyaaradaha Booosaaso.

Saraakiisha PSF ee goobta tegay ayaa sheegay in ay hubinayaan geed ay horay u beereen balse laga jaray halkaas.

Ciidanka PSF ayaa markii danbe dib u laabtay kadib markii iyaga iyo kuwa PMPF isku fahmi waayeen arrintaas.

PUNTLAND POST