Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilal magacaabay

Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay la-taliyaha amniga qaranka iyo agaasimeyaasha madaxtooyada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la-taliyaha amniga qaranka u magacaabay Xuseen Macallin Maxamuud oo horay xilkan u soo qabtay, wuxuuna baddelay Fahad Yaasiin oo xilkan hayay. Xuseen ayaa muddooyinkii dambe madax ka ahaa mac-hadka daraasaadka amniga Hiraal oo fadhigiisu yahay Muqdisho.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u magacaabay Xuseen Sheekh Maxamuud agaasimaha guud ee madaxtooyada, halka uu Maxamed Amiin Sheekh Cismaan u magacaabay ku-xigeenka agaasimaha.

Agaasimaha cusub ee madaxtooyada Xuseen Sheekh Maxamuud oo horey u soo noqday Senator ka tirsan Golaha Aqalka Sare ayaa sanadkii 1982 ku dhashay magaalada Xudur ee gobolka Bakool, waxbarashada aas-aasiga ah iyo jaamacadda heerka 1-aad wuxuu ku qaatay magaalada Muqdisho, waxbarashada heerka labaad ee jaamacaddana waxa uu ka diyaariyey daraasaadka horumarinta, halka uu haatan ku guda jira takhasusuka Phd-ga ee nabadda iyo arrimaha dowliga ah.

Sidoo kale Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan Amiin ayaa ah aqoonyahan labo shahaado ka haysta heerka 2-aad ee jamaacadda, isaga oo ku takhasusay horumarinta dhaqaalaha, maareynta nabadda iyo ammaanka Afrika. Wuxuu hore u soo noqday Senator ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS iyo Guddoomiyaha guddiga difaaca iyo amniga ee Golaha Aqalka Sare, sidoo kale waxa uu soo noqday safiir ku-xigeenka safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya.

Mas’uuliyiinta la magacaabay ayaa qaar ka mid ah ka tirsan yihiin xisbiga UPD oo uu asaasay Madaxweye Xasan Sheekh Maxamuud.

PUNTLAND POST