IMF oo si feejignaan leh u taageeraysa dowladda federaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waa inuu muujiyo daahfurnaan maaliyadeed.

Muqdisho (Wararka PP ) — Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ayaa oggolaaday in uu dowladda federaalka Soomaaliya taageero siinayo seddexda bilood soo socda ka sokow horumarkii daahfurnaanta oo ay dowladda federaalka Soomaaliyeed ku tallaabsatay seddexdii sano ugu horreeyay ee muddo xileedkeeda. Waxyaabaha uu Sanduuqa Lacagta Adduunku diiradda saarayo waxaa ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirrada uu soo dhisi doono Ra’iisal Wasaaraha uu magacaabi doono Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Arrinta ay deeqbixiyayaashu aad u eegayaan waa dacwada ku socota Jeremy Wyeth Schulman oo ah qareen ay dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh u xilsaartay soo ogaanshaha lacagta Soomaaliya kaga xanniban bangiyo shisheeye leeyihiin. Lacagta la soo helay qaarkeed wuxuu Madaxweyne Xasan Sheekh dhigay bangi ku yaalla Turkiga, ma cadda magaca ay lacagtu ku taal bangiga.

Bangiga Dhexe miyaa dejiya siyaasadda maamulista hantida Soomaaliya ka taalla bangiyo shisheeye?

Qaramada Midoobay ayaa dabagashay lacagta uu qareenka Maraykanka ahi isku dayay inuu “lunsado”. Waddada ay dawladdii Madaxweyne Xasan u martay helista lacagta qaranka Soomaaliyeed kama duwanayn waddadii ay martay dowladdii ku meelgaarka ee dowladdii Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed 2010kii, kaddib baaris ay Wardheer News ka soo tarjuntay wargeyska Al Sharq Awsat, lagu ogaaday qorshe sharcidarro ah oo uu Madaxweyne Shariif Axmed ugu wakiishay Cali Cabdi Camalow inuu la xiriiro Shulman Rogers, oo ah shirkadda dowladdii Sheekh Shariif kula heshiisay soo helista lacagaha Soomaaliya ka yaalla bangiyo shisheeye.

Jeremy Wyeth Schulman waxaa lagu maxkamadaynayaa lunsashada hanti Soomaaliyeed.

Sanadkii 2015kii ayuu Bangiga Dhexe ee Soomaaliya soo saaray siyaasad ku saabsan soo helista hantida Soomaaliya ka maqan. Mid ka mid ah mabaadii’da siyaadda ayaa ah: “dowladda federaalka Soomaaliya ayaa leh go’aanka adeegsiga hantida Soomaaliya” u taal bangiyo shisheeye. Mabda’an waa mid aan ku qotomin daahfurnaan waayo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa magacaaba Guddoomiyaha Bangiga Dhexe. “Soomaaliya ma laha hay’do siyaasadeed iyo xeerdajin kala madaxbannaan. Sidaas darteed waa in siyaasadda maamulka hantida qaranka lagala tashado dhammaan saamileyda siyaasadda” ayuu yiri dhaqaaleyahan ku sugan Muqdisho. Qareen ay dowladdii federaaku magacday ayaa xaday lacagta qaarkeed. Dhowaan ayay Garsoore Paula Xinis dhegeysan doontaa maxkamadaynta Jeremy Wyeth Schulman oo loo haysto inuu lunsaday hanti Soomaaliya leedahay.

IMF waxay ka dhursugaysaa natiijada Maxkamadaynta qareenka Maraykanka ah oo 3 milyan oo doollar la aamusay.

© Puntland Post, 2022