Mareykanka oo beeniyay inuu martiqaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

Mareykanka ayaa ka hadlay war saacadihii la soo dhaaday la isla dhexmarayay oo sheegayay in Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu casumay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa qoraal kooban oo ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ku cadeysay inaysan jirin casuumaad rasmi ah oo Madaxweynaha Mareykanka uu u fidiyay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, si uu u booqdo Washington, DC.

Dowladda Mareykanka waxay sheegtay inay ka warqabto in madaxweynaha Soomaaliya uu si weyn ugu howlan yahay dhismaha dowladdiisa.


PUNTLAND POST