Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta magacaabis iyo isku shaandhayn kooban ku sameeyay golaha wasiirrada.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa xilkii ka qaaday wasiirkii gaashaandhigga Axmed Macalin Fiqi, isaga oo ku baddelay xildhibaan Saadaq Cumar Maxamed Xasan (Saadaq Joon).
Sidoo kalena Ra’iisul Wasaare Xamse wuxuu xilalkii isu weydaariyay labo xubnood oo wasiir ku-xigeenno ah, kuwaas oo kala ah: Cali Ifiye Cali oo loo magacaabay wasiir ku-xigeenka dekedaha iyo gaadiidka badda iyo Maryan Abuukar Cali oo loo magacaabay wasiir ku-xigeenka wasaaradda kalluumaysiga iyo dhaqaalaha buluugga.
Digreetada uu soo saaray Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre waxaa akhiryay afhayeenka xukuumadda Cabdinaasir Axmed Bashiir.
PUNTLAND POST
