Wararka ka imanaya buuraleyda Calmiskaad, gaar ahaan tuulada Sheebaab oo ka tirsan degmada Qandala ee gobolka Bari ayaa sheegaya in ururka Daacish uu xalay weerar ku qaaday xarunta shirkadda isgaarsiinta Golis ee deegaankaas.
Weerarka ayaa la sheegay in uu sababay dhimashada ilaa afar ruux oo labo ka mid ah yihiin shaqaale ka tirsan shirkadda Golis, halka labada kalena yihiin askar ka tirsan ciidanka Puntland oo ilaalinayay xarunta. Sidoo kale weerarka ayaa sababay khasaare hantiyeed oo soo gaaray shirkadda Golis.
Weerarka ayaa dhacay, xilli la doonayay in dib loo howlgeliyo isgaarsiinta deegaanka Sheebaab oo go’an tan iyo bishii Juun ee sanadkan, kaddib markii ay qarxiyeen urur argagixisada ah ee Daacish oo ku dhuumaalaysta buuraleyda Calmiskaad.
Bishii Abriil ee sanadkan waxaa weerar kan la mid ah uu ka dhacay deegaankaas, kaas oo sababay dhimashada afar qof, kaddib markii qarax lala eegtay gaari ay saarnaayeen shaqaale ka tirsan shirkadda Golis iyo askar ka tirsan daraawiishta Puntland, xilli la doonayay in dib loo howlgeliyo isgaarsiinta deegaankaas.
Puntland iyo shirkadda isgaarsiinta Golis ayaa weli ka hadlin weerarka xalay ka dhacay deegaanka Sheebaab ee sababay khasaaraha nafeed iyo hantiyeed.
PUNTLAND POST
