Dab ka kacay Muqdisho

Dab xoogan ayaa ka holcaya goobo ganacsi oo ku yaalla isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, kaas oo caawa fiidkii halkaas ka kacay.

Waxaa socda dadaalo xoog leh oo ay wadaan kooxaha dab-demiska dowladda hoose ee Muqdisho, kuwaas oo la tacaalaya deminta dabkaas.

Dabka caawa ka kacay isgoyska Banaadir ee degmada Hodan ayaa sababay khasaaro xoogan oo hantiyeed, balse weli lama oga khasaare nafeed oo ka dhashay.

PUNTLAND POST