Koox dhisayay musharrax khayre oo jagada Ra’iisul wasaare ka raadinaya Xasan Shiikh Maxamuud

Xildhibaanno laga soo doorto Puntland oo dhisayay musharrixii guulaysan waayay ee Xasan Cali Khayre ayaa bilaabay in ay Ra’iisul wasaare ka raadiyaan madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Kooxdan xildhibaannada ah oo ku fashilmay in ay Villa Somalia geeyaan Xasan Cali Khayre ayaa isku dayaya in ay la kulmaan madaxweyne Xasan Shiikh si ay Ra’iisul wasaare uga helaan.

Wararku waxay sheegayaan in kooxdu aysan ilaa iyo hadda helin fursad ay kula kulmaan madaxweynaha Soomaaliya oo aad ugu mashquulsan kulamo siyaasadeed.

Xogtu waxay sidoo kale tilmaamaysa in kooxdan aysan weji ka haysan madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Deni oo saamayn xooggan ku leh xilka ay raadinayaan.

PUNTLAND POST