Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo isha ku hayn doona dowladda cusub

Muqdisho (Wararka PP) — Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo murrashax madaxweyne ahaa, ayaa qorshaynaya inuu isha ku hayo sida dowladda federaalka cusub u shaqayn doonto.

Madaxweynaha la doortay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa danaynaya in qaar ka mid ah dadkii la tartamay uu xilal u dhiibo si uu uga hortago inay qaataan kaalinta mucaarad feejigan oo u kuurgalaya siyaasadda dowladda la dhisi doono.

2017kii ka hor doorashadii dhacday Febraayo isla sanadkaas ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku eedeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh inuu siyaasad ahaan xubno qoyskiisa ka mid ah ugu naasnuujiyo gegida diyaaradaha, halkaas oo shaqaalaha muruqmaalka ahi bixiyaan lacag dheeri ah oo la siinayo shirkad xubno ka tirsan qoyska Xasan Sheekh ay leeyihiin.

Shirkadda qoyska Xasan Sheekh ayaa 2.5 doollar ka qaadata xamaaliga garoonka diyaaradaha ka shaqeeya, sida uu Cabdiraxmaan u sheegay Xildhibaannada baarlamaankii hore. Musuqmaasuuqii iyo hanti boobkii dowladdii “Damuljadid” ayaan weli ka go’in xusuusta Soomaalida.

© Puntland Post, 2022