Weerar dad lagu laayay oo ka dhacay dalka Maraykanka

Nin ku hubaysan qori ayaa xabbad ku furay dad ku jiray dukaan ku yaalla magaalada Buffalo, gobolka New York ee dalka Maraykanka.

Ninkaas ayaa dilay ugu yaraan 10 qof, ka hor intii aan saldhigga loo xakayn, sida saraakiil ciidanka ka tirsani ay u sheegeen wakaaladda wararka ee Associated Press.

Faahfaahinta tirada inta qof ee dukaankan oo lagu magacaabo Tops Friendly Market ku jirtay iyo xaaladda ay ku sugan yihiin ayaanan wali la haynin.

Dukaanka ayaa ku yaalla xaafad ay dadka madowga ahi u badan yihiin, taas oo 5km ka fog faras magaalaha Buffalo. Goobaha ku wareegsan ayaa ah goobo la deggan yahay.

PUNTLAND POST