Musharrax Siciid Deni: waxaa dalka sugaya isbedel Soomaaliya gaarsiiya meel ay istaahisho

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciiid Cabdullaahi Deni ayaa hambalyeeyay 15 May 2022 oo ku beegan as’aaskii ururka gobannima-doonka Soomaaliyeed ee SYL.

Qoraal uu soo saaray madaxweyne Siciid Deni ayuu ku sheegay in maanta laga bilaabo uu laba-jibbaarmayo maamuuska 15 May waayo? buu yiri “waxaa dalku sugaya isbedel Soomaaliya gaarsiiya meel ay istaahisho”

Musharrax Siciid Deni ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyay dhalinyarada sannadkan kamid noqday labada aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Waxaan si gaar ah hambalyo ugu diraya Xildhibaanada dhallinyarada ah ee ku jira labada Aqal ee Baarlamaanka JFS. waxaa maanta hortaalla fursad taariikhi ah oo ay dalka ugu gudbin karaan Doorasho qof iyo cod ah”

PUNTLAND POST