Guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo maanta kulan deg deg ah yeelanaya

Guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay maanta yeeshaan kulan deg deg ah oo ku saabsan haddii ay berri qabsoom karto doorashada madaxweynaha iyo in wakhti lagu daro.

Guddiga ayaa kulankooda ku qiimayn doona in uu jiro diyaar-garow ku filan oo 15 May lagu qaban karo doorashada madaxweynaha dalka.

Kulanka ayaa sidoo kale la filaya in ay ka qayb-galaan guddoomiyaasha labada aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya islamarkaana talooyin ku biiriyaan.

Gudoomiyaha guddiga doorashada Madaxweynaha Senator Cabdiqani Geelle Maxamed ayaa la filayaa inuu dhinacyada kulanka maanta leh uu u soo bandhigo sida ka guddi ahaan ay ugu diyaarsan yihiin doorashada.

PUNTLAND POST