Qoys Reer miyi geedi ah oo shil ku galay duleedka Garoowe

Wararka ka imaanaya duleedka bari ee magaalada Garoowe ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay shil kale oo khasaare nafeed geystay.

Gaari ISKA-ROGO AH oo siday reer miyi geeddi ah ayaa sida la sheegayo ku dhacay jihada bari ee Garoowe kadib markii uu laamiga ka baxay.

Hal ruux ayaa shilkaas ku geeriyooday sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Ciidanka Ilaalada Waddooyinka ee Puntland.

Waa shilkii labaad ee saaka ka dhaca magaalada Garoowe waxaana labada shilba ku dhintay min hal qof.

PUNTLAND POST