Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in meesha laga saaray culayskii Soomaalidu kala kulmi jireen Acmaasha Xajka

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in sannadkan meesha laga saaray culayskii dadka Soomaaliyeed kala kulmi jireen soo gudashada acmaasha Xajka islamarkaana wixi hadda ka danbeeya aysan culays la kulmi doonin.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya , Maxamuud Macalin Yaxye ayaa sheegay in sanadkan kor loo qaadi doono howlaha gudashada Xajka si muwaaddiniinta Soomaaliyeed loogu fududeeyo acmaasha ay gudanayaan.

Wasiiru dowlaha ayaa sheegay maaddaama ay sanadihii lasoo dhaafay dib u dhacyo ku yimmaaddeen howlihii Xajka sababa la xiriiri xanuunka Corona Virus ay haatan doonayaan in sare loo qaado howlihii Xujeyda.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha  ayaa furtay Tartanka shirkadaha ku shaqada leh fududeynta howlaha Xajka Sanadkan 1443 oo waafaqsan 2022 kadib markii ay u saartay guddi gaar ah.

PUNTLAND POST