Ololaha Cabdiraxmaan Cabdishakuur lama yaraysan karo — Faallo

Cali Siciid Maxamuud (Cali Toorno)

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo guddoomaya shahaadada murrashaxnimada.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame waa siyaasi aan magaciisa lagu soo darin murrashixiinta loo malaynayo inay soo gaarayaan wareegga seddexaad. Haddii mabda’ iyo isla xisaabsan tartanku ku salaysnaan lahaa, Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuu ka badin karaa kuwa dad badani u malaynayaan inay ka fursad badan yihiin isaga.

Dhowr tilmaamood ayuu Cabdiraxmaan kaga duwan yahay siyaasiyiinta Soomaaliyeed badankood, gaar ahaan kuwii uu la soo shaqeeyay, haddana uu la tartamayo

1- Isaga ayaa dusha u ritay culayska eedeymihii heshiiskii is afgarad oo dowladdii ku meelgaarku la saxiixatay Kenya. Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed wuu difaacay heshiiska is afgarad kaddib diidmadii baarlamaankii federaalkii ee 2009kii, hase ahaatee 2016dii wuxuu ku dooday “in la su’aalo kuwa saxiixay heshiiska”. Marka ay run sheegidda iyo u dulqaadashada cadaadisyada siyaasadeed noqoto, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iskuma dayo inuu eed ka cararo ama uu u maleeyo inuu caqliga dadka siri karo.

2- Markii uu socday u diyaargarowgii doorashadii 2016kii, Cabdiraxmaan Cabdishakuu wuxuu soo bandhigay dhowr sababood oo qorshihii Qabyo ninkeeda ayaa dhammaystira ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. 19kii xildhibaan oo ay Al-shabaab dishay, fursadaha Xasan ku naasnuujinayay dad isaga ku hayb ah si lacag dheeri ah looga qaado xamaaliyaasha gegida diyaaradaha Muqdisho ayaa ahaa laba tusaale oo uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur soo qaatay. Wax qarsoon ma aha in Xasan Sheekh Maxamuud hantida qaran ku danaystay, iskuna dayay inuu isticmaalo hanti Soomaaliya u taalla bangiyo shisheeye.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo 2016kii ka hadlaya sida Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu adeegtay awoodda siyaasadda una dayacay amniga Xildhibaannada.

3- Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo la su’aalay inuu jiro wax uu ku amaani kari Madaxweyne Farmaajo. “Iima muuqato inuu ku mashquulsan yahay hantiyeysi gaar ah” ayuu yiri Cabdiraxmaan. Taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo waxay hadalka Cabdiraxmaan u soo qaataan qirid ku saabsan dhowrsanaanta maamul ee Madaxweyne Farmaajo, laakiin marnaba ma xusaan in siyaasi wanaagga siyaasi kale xusay tahay wax ku cusub siyaasadda Soomaalida.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu dhowaan sheegay inuu cafiyay dadkii ku soo wareerary gurigiisa dhowr sano ka hor iyagoo amar dowladeed ku socday. Cabdiraxmaan maanta waa siyaasi diyaaar u ah inuu qaado mas’uuliyad haddii ay wax khaldamaan xitaa marka dadka eedda la wadaaga ay kubeertada hoos galaan, siyaasi runta ka sheegay madax ku adeegatay awoodda siyaasadeed, siyaasi cafiyay kuwii soo weeraray, iyo siyaasi wanaag ka sheegay siyaasi ay loollamayaan. Waa dhowrka sababood oo aan loo dhayalsan karin tayada ololaha Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Cali Siciid Maxamuud (Cali Toorno)