Real Madrid oo si layaab leh ugu soo baxday kama dambeysta tartanka kooxaha Yurub

Real Madrid ayaa u soo baxday kama dambeysta (final-ka) tartanka kooxaha Yurub ee UEFA Champions League-ga, kadib markii ay lugtii dambe ee afar dhamaadka soo laabasho layaab leh oo 3-1 uga adkaatay Man City oo lugtii hore ku soo badisay 4-3.

Man City ayaa waqtigii caadiga ahaa ee ciyaarta (90 daqiiqo) ku dhammaysatay 1-0 oo ay ku soo bixi lahayd, hase ahaatee Real Madrid oo sameysay mid kamid ah mucjisooyinkii ugu layaabka badnaa tartanka UEFA Champions Luegue, ayaa wax ka yar labo daqiiqo (90 iyo 90+1) oo ka mid ah daqiiqadihii lagu daray ku keensatay 2 gool, taas oo natiijada ciyaarta ka dhigtay 2-1, waxaana labadaas gool Madrid ka caawiyay Rodrygo oo ciyaarta baddel ku soo galay.

Ciyaarta ayaa lagu daray 30 daqiiqo oo dheeriya, maadaama natiijada labada kulan ay noqotay 5-5, balse waxaa gool kale keensatay Real Mardid oo ciyaarta ka dhigtay 3-1 oo u dhiganta wadarta labada kulan 6-5, sidaasna ugu soo baxday kama dambeysta tartanka kooxaha Yurub.

Kooxda reer Spain ee Real Madrid waxay kulanka dambeysta (final-ka) wajahaysaa kooxda reer England ee Liverpool oo talaadadii soo baxday, wuxuuna kulankaasi qabsoomi doonaa 28 bishan May, isagoo ka dhacaya magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

Real Madrid oo tartankan haysata 13 jeer, ahna kooxda ugu guuleysiga badan ayaa markii ugu dambeysay 2018 ka qaaday Liverpool. Kooxda Liverpool oo 6 jeer haysata tantankan ayaa 5 sano ee dambeysay kama dambeysta soo gaartay 3 jeer, waxayna ahayd markii ugu dambeysay oo ay ku guuleysatay 2019.

PUNTLAND POST